Image result for Riyad Mahrez Barcelona

(Barcelona) 12 Agoosto 2017 Laacibka Leicester City ee Riyad Mahrez ayaa isku soo bandhigay kooxda Barcelona si uu badal ugu noqdo Neymar oo kubiiray PSG.

26 jirkaan reer Algeria ayaa xiriir toos ah la sameeyay Barcelona saacadihii u danbeeyay si uu ugu qanciyo kooxda reer Spain inay la wareegto isaga sida lagu daabacay wargayska Sport.

Image result for Riyad Mahrez Barcelona

Wararka ayaa intaa ku daraya in Riyad Mahrez marnaba uusan ku jirin liiska ciyaartoyda diirada u saran Barcelona suuqa kala iibsiga ee xaggaagan.

Mahrez ayaa doonaya inuu katago Leicester City laakiin wali ma uusan helin koox uu si rasmi ah ugu biiro xaggaagan, waxaana xili hore ka fashilmay heshiis uu ugu dhaqaaqi lahaa kooxda Roma.

Qiimaha laacibkaan ayaa lagu qiyaasayaa 30 milyan oo euro, wuxuuna ku guulaystay laacibka ugu fiican horyaalka ingiriiska xiliciyaareedkii 2015/2016.

Gool FM

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR