(Yurub) 10 Sebt 2019. Xiddiga kooxda Galatasaray ee Ryan Babel ayaa dabka ku shiday saaxiibadiis xulka qaranka Holland ee Arjen Robben iyo Wesley Sneijder.

Ryan Babel ayaa tilmaamay in xiddigaha Arjen Robben iyo Wesley Sneijder ay ahaayeen sababta ka dambeysay in xulka qaranka Holland uusan ku guuleysan koobkii addduunka ee 2010-kii.

Xulka qaranka Holland ayaa gaaray finalka Koobkii Adduunka 2010-kii ee lagu  qabtay dalka South Africa, balse waxay guuldaro kala kulmeen dhigooda Spain, waxaana waqtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta lagu daray goolka ka dhaliyay Andres Iniesta.

Ryan Babel ayaa wuxuu aaminsan yahay inay jireen afar ciyaartoy oo reer Netherlands ah oo wakhtigaas u ciyaarayay sharaftooda shaqsiyadeed oo kaliya, isla markaana aan daneeneynin danaha guud ee xulka, iyadoo xiddigahaas uu ku tilmaamay Arjen Robben, Wesley Sneijder, Van der Vaart iyo Robin van Persie.

Ryan Babel ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska “Daily Mail” ee dalka England wuxuu ku sheegay:

“Khibradeyda xulka qaranka, waxay ila tahay in afarta waaweyn ay doonayeen in mar kasta ay noqdaan kuwa ugu horeeya”.

“Ma dareemayo in hadda uujiro maseyr, dhamaanteen midkeen kan kale waxaan isa siinaa goolal iyo caawinaad, ma jiro ciyaaryahan isku arka in naftiisa ay ka sareyso kooxda”.

“Waxaan xasuustaa daqiiqadiha kulankii finalka, halkaasoo uu Arjen Robben kali ku noqday goolhaye Iker Casillas, kaddibna waxaa laga jalaafeeeyay dhanka gadaale, caadi ahaan Robin wuxuu ku dhacaa xaaladaha noocaas ah, haddii uu sameyn lahaa, waxaan ku dhameysan laheyn ciyaarta 10 ciyaartoy oo kaliya waana badin laheyn”.

“Laakiin wuxuu doonayey inuu gool dhaliyo, waxay ahayd faahfaahin yar, waxaa laga yaabaa inuusan Robin ka fekereynin xulka, wuxuu doonayay inuu gool dhaliyo isla markaana uu sharaf helo”.


Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR