Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee Robert
Lewandowski ayaa shaaca ka qaaday 2 xiddig oo isku dayay in ay ku qanciyaan in
uu ku biiro kooxda Real Madrid.

Robert Lewandowski ayaa sheegay in xiddigaha Sergio Ramos
iyo Cristiano Ronaldo isku dayeen in ay ku qanciyaan in uu kula biiro kooxda Real
Madrid.

Xiddiga reer Poland ayaa si weyn loola xiriirin jiray
kooxda Real Madrid sanadihii ugu dambeeyay laakiin maamulka Bayern Munich ayaa
diiday in ay fasaxaan xiddiga.

Robert Lewandowski oo la hadlaya wargayska AS ayaa yidhi”
Waan ku faraxsanahay Bayern Munich, waxa aan u ciyaaraa mid ka mid ah kooxaha
ugu waaaweyn kubada cagta adduunka”.

“Waxa aan leenahay taageerayaal mar walba naga dalbanaya
qaab ciyaareed fiican waliba si weyn noo garab istaaga”.

Isaga oo ka hadlaya xiisihii Real Madrid ayuu yidhi” 2
ilaa 3 sano ka hor waxa ila soo xiriiray Ramos iyo Ronaldo si ay iigu qanciyaan
in aan ku biiro Real Madrid”.

“Waxa aan u ciyaarayay qaab ciyaareed aad u sareeya
sidaas darteed kooxo badan oo reer yurub ah ayaa doonayay in aan ku biiro
kooxdooda”.

Advertisement

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR