(World Cup) 13 Juunyo 2018. Halyayga reer Brazil, Roberto Carlos, ayaa ka hadlay nasiib darada ka heysata koobka aduunka xidiga xulka qaranka Argantina ee Lionel Messi.

Roberto Carlos ayaa wareysi uu siiyay “TyC” wuxuu ku sheegay: “Hadii uu Lionel Messi u dhalan lahaa Brazil wuxuu ku guuleysan lahaa koobka aduunka”.

“Waan jeclahay qaabka ay u ciyaarayaan Neymar, Messi iyo Cristiano Ronaldo, laakiin aniga ahaan xidiga reer Portugal ayaa ah kan ugu wanaagsan kubada cagta”.

Waxaa xusid mudan in Messi uu gaaray finalka koobkii aduunka lasoo dhaafay ee 2014 ka dhacay dalka Brazil, balse nasiib daro uu kaga guuleestay xulka Germany 1-0.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR