Weeraryahanka kooxda Bayern Munich Roberto Lewandowski ayaa sheegay in ay kasoo gaareen dalabyo kooxaha ka ciyaara qaarada yurub.

Kabtanka reer Poland ayaa haatan Weerarka dhexe ugu ciyaara kooxda uu maamulo macalin Niko Kovac Xilli si liidata ay ku bilaawdeen Xilli ciyaareedkan.

Roberto Lewandowski ayaa qirtay in ay macquul tahay inuu soo gabagabeeyo maalmihii Germany waxaana ciyaaryahanka uu doonayaa koox cusub.

Kooxaha la carbaabay ee doonaya adeega ciyaaryahankan waxaa kamid ah Naadiga Caasimada Spanishka ka dhisan ee Real Madrid.

Madrid sababaha ugu weyn ay u dooneeyso laacibkan ayaa ah in aysan wali helin badalkii Cristiano Ronaldo kaasi oo suuqii xagaaga ku biiray kooxda Bianconeri.

Bayern Munich waxeey dooneeysaa in qandaraas kordhin ay u sameeyso Roberto Lewandowski inkastoo isaga uu ka caga jiidayo.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR