(Moscow) 13 Juunyo 2018 Cristiano Ronaldo ayaa la saadaalinayaa inuu isaga tagi doono u ciyaarida xulkiisa Portugal haddii uu la qaado koobka adduunka.

Laakiin laacibka ayaa beeniyay wararkaas, wuxuuna sheegay inuu leeyahay hami intaas ka sii badan oo ku aadan kubadda cagta.

Ronaldo oo bixiyay waraysi gaar ah oo ku aadan koobka adduunka ayaa yiri:

“Ku guulaysiga koobka adduunka waa waxa ugu fiican ee aad ku guulaysato xirfadaada, waayo waxaad matalaysaa dalkaaga, waana ay adag tahay inaad ku guulaysato”.

“Haddii ay noo suurogasho inaan ku guulaysano, markaas waxaan ku guulaystay wax walba, inaan koobka adduunka ku la guulaysto Portugal waxay ii noqon doontaa riyadii ugu waynayd ee noloshayda”.

“Dadka qaar waxay ku fikirayaan inaan ka fariisanayo xulka haddii aan ku guulaysto koobka adduunka, laakiin waxaan leeyahay hami wayn, wali wax badan ayaa iiga harsan kubadda cagta”.

Gool FM

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR