(Yurub) 11 Luulyo 2018. Halyayga kooxda Manchester United Ryan Giggs ayaa wuxuu shaaca ka qaaday sida ay layaab ugu noqotay, kadib markii uu maqlay in Cristiano Ronaldo uu ka tagay Real Madrid isla markaana uu ku biiray Juventus.

Real Madrid ayaa si rasmi ah u shaacisay shalay oo Talaado ah in Cristiano Ronaldo uu ku biiray kooxda Juventus ee dalka Talyaaniga.

Hadaba Giggs oo ka hadlayay arintan ayaa wuxuu sheegay in ay layaab ku noqotay bixitaanka Cristian.

“Ma aamisneen in Cristiano uu ka tagayo Real Madrid si uu ugu biiro kooxda Juventus, runtii waxay igu noqotay layaab xoogan”.

“Lakiin waxay noqon doontaa tartan weyn uu la kulmi doono, sababtoo ah wuxuu ugu dhaqaaqay koox weyn”.

“Ronaldo wuxuu ku waalan yahay sida uu kaga fiicnaan lahaa Messi, kadib markii uu kusoo guuleestay Spain iyo England, wuxuu doonayaa in markale uu ku guuleysto Talyaaniga”.

“Cristiano wuxuu sidoo kale kula guleystay xulkiisa Portugal, sidaas darteed wuxuu arkaa inuu ka fiican yahay Lionel Messi”.

“Inaad u ciyaarto kooxaha sida Real Madrid, Manchester United iyo Juventus waxay noqon doontaa taariikh nololeed weyn”.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR