Indhaha kubbada cagta aduunka ayaa ku soo jeeda magaalada Nyon ee dalka Switzerland halkaas oo ay barri oo jimce ah ka qabsoomi doonto xaflada isku aadka siddeed dhamaadka iyo afar dhamaadka UEFA Champions League markaas oo la ogaan doono qaabka ay kooxaha siddeeda ah ee isku soo hadhay ay isku haleeli doonaan.

Laakiin saadaal lagu sameeyay Super Computer isla markaana lagu saadaaliyay kooxaha u soo bixi kara afar dhamaadka UEFA Champions league ilaa fursada ay koobkan ugu guulaysan karaan ayaa lagu soo saaray Soccer Power Index (SPI), waxaana saadaashan ka soo baxday xog muujinaysa sida ay u kala awood badan yihiin kooxaha isku soo hadhay.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa xogta lagu soo saaray saadaasha  Soccer Power Index (SPI) ee kooxaha siddeeda ah ee iskugu soo hadhay UEFA Champions leauge iyo fursada ay haystaan, waxayna saadaashani ku xidhan tahay mid ka soo bilaabtantay heerkii guroupyada Champions league taas oo socon doonta ilaa finalka Madrid.

Jamaahiirta kooxda Manchester City ayay farxad wayn u tahay in ay ugu danbayn kooxdoodu kaalinta kowaad kaga jirto kooxaha loo saadaalinayo in ay u soo bixi karaan afar dhamaadka UEFA Champions League isla markaana ay soo gaadhi karto finalka waxayna waliba noqotay kooxda haysata boqolkiiba fursada ugu wayn ee ay Champions League ugu guulaysan karto.

Man City ayaa haysata fursad boqolkiiba 74% ah oo ay ugu soo bixi karto afar dhamaadka halka ay haysato fursad boqolkiiba 49% ah oo ay finalka UCL Champions leauge ku soo gaadhi karto waxaaba intaas sheer in saadashani ay Man City siisay fursad boqolkiiba 28% ah oo ay koobka ugu guluaysan karaan waana saadaasha ugu saraysa.

Liverpool ayaa noqotay kooxda labaad ee Man City ku soo xigta, waxayna heshay fursad boqolkiiba 67% ah oo ay ugu soo bixi karto afar dhamaadka halka ay haysato fursad boqolkiiba 41% ah oo ay finalka UCL Champions league ku soo gaadhi karto waxaaba intaas sheer in saadashani ay Liverpool siisay fursad boqolkiiba 22% ah oo ay koobka ugu guluaysan karaan waana saadaasha ugu saraysa.

Barcelona ayaa noqotay kooxda saddexaad ee Man City iyo Liverpool ku soo xigta, waxayna heshay fursad boqolkiiba 65% ah oo ay ugu soo bixi karto afar dhamaadka halka ay haysato fursad boqolkiiba 38% ah oo ay finalka UCL Champions league ku soo gaadhi karto  waxayna Barca heshay saadaal ah boqlkiiba 20% ay koobka ugu guulaysan karto.

Laakiin jamaahiirta kooxda Manchester United ayay saadaashani ku tahay mid ayna jeclaysan doonin iyada oo Man United noqotay kooxda labaad ee ugu fursada hoosaysa in ay soo gaadho afar dhamaadka Champions leauge iyo finalka halka ay FC Porto tahay kooxda kaliya ee Man United ka fursada hoosaysa.

Halkan hoose kaga bogo sawirka soo koobaya xogta aan ka soo hadalnay ee saadaasha laga sameeyay tartanka UEFA Champions league.

Haddaba akhriste, miyaad filaysaa in saadaashani ay tahay mid xaqiiq noqon karta marka la eego awooda kooxaha iskugu soo hadhay inkasta oo ay isku aadka wax badani sii kala cadaan karaan?

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR