Advertisements

Horyaalka Premier League ayay kooxuhu usbuucan isku haleelayaan kulamadii 26aad, waxaanay kusoo beegmayaan xilli ay naadiyada qaarkood ku jiraan fasax, kuwo kalena kasoo laabteen laba toddobaad oo ay ciyaaraha nasasho ka qaateen.

Advertisements

Liverpool oo hoggaanka horyaalka 22 dhibcood ku haysa ayaa dib ugu soo laabanaysa ciyaaraha, waxaanay Sabtida foodda gelin doontaa Norwich, waxaanay wiilasha Jurgen Klopp tegi doonaan 25 dhibcood illaa laga gaadhayo Arbacada soo aaddan oo Manchester City ay kulankeeda usbuuca dheeli doonto, markaas oo ay soo gaabin karto dhibcaha amaba u ogolaan doonto Reds inay taagnaato 25 dhibcood xilli dhamaadka xili ciyaareedkana ka hadhsan yihiin 12 ciyaarood oo kaliya.

Ciyaarta ugu weyn toddobaadkan waxay dhex mari doontaa Manchester United oo kaalinta siddeedaad fadhida iyo Chelsea oo afraad xajisanaysa, waxaana natiijadoodu ay noqon kartaa mid uga sii darta xaaladda murugsan ee Red Devils ama dabar kusoo noqota Blues oo lagu soo dhowaado booskeeda.

Kooxda kaalinta saddexaad ku jirta ee Leicester City ayaa waxay caawa marti u noqon doontaa naadiga dhibaatada badan ay kooxaha waaweyni kala kulmaan ee Wolves, laakiin natiijadoodu saamayn kuma yeelan doonto booska Dawacooyinka maadaama ay siddeed dhibcood ka horreeyaan Chelsea  oo kusoo xigta.

Wolves oo guuleysata, waxay u daran tahay Manchester United oo ay kala bixi doonto booska siddeedaad oo ay haddaba min 35 dhibcood ku fadhiyaan, balse farqiga goolasha ay United ku horreyso.

Sidii aynu horeba uga baranay, khabiirka ciyaaraha ee BBC Sports, Mark Lawrenson ayaa waxa uu soo saadaaliyey kulamada toddobaadkan ee horyaalka Premier League, waxaanu ka nixiyey Manchester United oo uu usii sheegay inay lumin doonaan booska kaalinta siddeedaad oo ay khasaare kala soo laaban doonaan Stamford Bridge maalinta Isniinta.

Mark Lawrenson waxa saadaashiisha usbuucan ku sheegay in Leicester City ay la kulmi doonto guul-darro, laakiin Liverpool, Manchester City iyo Arsenal ayuu guulo usiis heegay.

Saadaasha Khabiirka Mark Lawrenson oo dhamaystiran

Jimcaha

Wolves 2-1 Leicester CITY

Sabtida

Southampton 2-0 Burnley

Norwich 0-2 Liverpool

Axadda

Aston Villa 0-2 Tottenham

Arsenal 2-0 Newcastle

Isniinta

Chelsea 2-1 Manchester United

Arbacada

Manchester City 3-0 West Ham United

Advertisements

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR