Halyeeyga Arsenal ee Thierry Henry ayaa ku dhawaaday in uuna ku biirin kooxda Arsenal isaga oo ku biiri gaadhay kooxda Man United.

Ugu yaraan arintaas ayaa dhici Lahady hadii uuna Sir Alex Ferguson iska diidin fursad uu xididga reer France ku keeni lahaa Old Trafford.

Henry Ayaa lagu qiimeeyaa mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican taariikhda horyaalka premier League.

Waa Xiddiga ugu goolasha badan taariikhda Arsenal isaga oo 228 gool ku dhaliyay muddo 8 sano ah oo uu joogay kooxda.

Henry ayaa ku guulaystay gool dhalinta prmeier League muddo 4 sano ah intii uu joogay kooxda Arsenal laakiin waxa uu ku dhawaaday in uuna ku biirin Arsenal maadama ay Man United ahayd dookhiisa 1-aad.

Advertisements

Waxa sidaas dheegay taliyihii hore Ee amniga Man United ee Ned Kelly kaas oo sheegay in uuna Ferguson doonayn saxiixa Henry.

“Waxa aan Telefoonka ugu jiray walaalka la dhashay Eric Cantona ee Jean-Marie”ayuu u sheegay beIN Sports.

“Waxa uu igu yidhi”Ned, Alex Ferguson u sheegay in uu Thierry Henry doonayo in uu ku biiro Man United”.

“Arintaas waxa ay ahayd ka hor intii uuna ku biirin Arsenal sidaas darteed dookhiisa 1-aad ayaa ahaa Man United”.

“Waxa aan u tahay Alex waxana aan ku idhi” Alex, waxa aan la hadlay Jean-Marie waxana uu ii sheegay in uu Henry doonayo in uu ku soo biiro Man United”.

“Waxa uu Sir Alex igu yidhi, Maya, mar walba wuu dhaawacmaa”.

“Kadib waa uu ku biiray Arsenal.. Inta kalena waa taariikh”.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LLIKE OUR FACEBOOK PAGE