Halyeeyga Kooxda Liverpool ee Jamie Carragher ayaa doortay xiddiga uu doorbidayo in uu ka tago kooxda Liverpool ama La iibiyo suuqa xagaaga hadii dalab laga soo gudbiyo xiddigaha weerarka uga ciyaara Reds ee Mohamed Salah iyo Sadio Mane.

Labada xiddig ayaa lala xiriirinayay kooxda Real Madrid wakhtigii ugu dambeeyay iyada oo Mohamed Salah lala xiriirinayay xagaagii hore kadib markii uu xilli ciyaareed cajiib ah soo qaatay halka Sadio Mane lala xiriirinayo Real Madrid xilli ciyaareedkan.

Jamie Carragher oo la hadlaya shabakada Sky Sport ayaa yidhi” Waxa aan doorbidayaa in la iibiyo Mohamed Salah marka loo eego Sadio Mane sababta oo ah waxa aan ahay taageero weyn oo Mane ah”.

“Dadku waxa ay Jurgen Klopp ku amaanaan in uu la soo saxiixday xiddigaha Mohamed Salah iyo Virgil Van Dijk laakiin Mane ayaa ahaa xiddigii ugu horeeyay ee Liverpool dib u soo celiyay”.

“Sadio Mane uu ahaa xiddigii ugu horeeyay ee uu Jurgen Klopp la soo saxiido isaga oo ka soo bixiyay 30 milyan oo euro”.

“Waxan u malaynayaa in saxiixa Sadio Mane tahay midii Liverpool ku soo celisay 4-ta kooxood ee ugu saraysa horyaalka waxana uu xilli ciyaareedkan si weyn u caawiyay kooxda”.

“Arintu ma khusayso kaliya gool dhalinta laakiin in aad ka mid ahaato 4-ta kooxood ee ugu saraysa waa in aad tahay xiddig kooxda caawin kara waana arinta uu Mane sameeyay tan ilaa markii uu Liverpool yimid”.

Mane ayaa Liverpool kaga soo biiray kooxda Southampton xagaagii 2016 isaga oo jooga 3 sano oo uu ciyaaray 88 kulan isaga oo dhaliyay 41 gool ilaa haatan

Advertisement

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR