Saraakiisha Ciidamada Danab, ayaa sheegay hawlgal qorsheysan inay ku dileen xubno ka tirsanaa Shabaab, kadib markii Ciidamada Mareykanka & kuwa Somalida ay weerar ku qaadeen deegaan ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose.

Weerarka ayaa ka dhacay deegaanka Jilib Marka oo dhanka Xeebta ee Koonfurta Somaliya ku yaal, kadib markii Ciidamada ay fuliyeen hawlgal qorsheysan oo Saldhig Shabaab ay halkaasi ku leeyihiin lagu qaaday.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Danab oo la hadlay Warbaahinta dowladda, ayaa sheegay weerarkaasi in lagu dilay 22-dagaalyahan oo Shabaab ka tirsan, sidoo kalena lagu bur buriyay difaacyadii Shabaab ay lahaayeen.

Saraakiisha la dilay, ayaa waxaa lagu sheegay inuu ku jiray Sarkaalkii Shabaab u qaabilsanaa dhanka amniyaadka Gobolka Shabellaha hoose oo magaciisa lagu sheegay Abuu Yaasiin Sheikh Maxamed iyo Maxamuud Abuu Xamza ayaa la sheegay inuu dhawaan kasoo laabtay dalka Siiriya.

Ma jirto ilo wareedyo ka madax banaan Saraakiisha Ciidamada Danab oo xaqiijinaya in dagaalyahanada intaas la eeg laga dilay Shabaab, sidoo kalena ay ka mid ahaayeen Saraakiishaasi Sar sare.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR