Xidiga xulka qaranka England iyo kooxda Manchester City ee Raheem Sterling ayaa qaadanaya fasax uu u qalmay kadib xili ciyaareed cajiib ah oo uu soo qaatay.

Raheem Sterling ayaa kooxdiisa Manchester City ka soo caawiyay in ay saddexda koob ee maxaliga ahaa ku soo wada guulaysteen kuwaas oo kala ah Premier league, FA Cup iyo waliba EFL Cupka.

Waxa Raheem Sterling saftay 58 kulan oo iskugu jiray kulamadii kooxdiisa Man City iyo waajibaadkii xulkiisa England kuwaas oo uu ciyaaray muddadii u dhexaysay August 12,2018 ilaa June 9,2019 wuxuuna kadib qoyskiisa iskugu keenay Florida.

Raheem Sterling ayaa waqti fiican la qaadanaya qoyskiisa oo ay ka mid tahay hooyadii iyo caruurtiisa si la mid ah xubno kale oo qoyskiisa ka mid ah.

Waxa uu Sterling muujiyay sida uu fasixiisa ugu raaxaysanayo isaga oo faraxsan waxa uu bartiisa Instagram soo dhigay sawirada fasaxa ee uu qoyskiisa la qaadanayo isaga oo fariin hooyadii ku saabsan soo raaciyay.

Raheem Sterling oo isa soo barbar dhigay sawirka uu hooyadii kula jiro iyo cuntada Caribbean-ka ayaa so qoray: : ‘Taasi waa sababta ay hooyaday aniga iila timaado meel kasta”.

Raheem Sterling ayaa marka uu fasaxiisa soo dhamaysto waxa uu kulanka ugu horeeya ee xili ciyaareedka cusub uu ku bilaaban doonaa kulanka ay Manchester City ka hor imanayso kooxdiisii hore ee Liverpool.

Manchester City iyo Liverpool ayaa August 4 waxay iskaga hor iman doonaan finalka Community Sheild ee Wembley Stadium ka dhici doona.

Laakiin haddaba Stelring iyo qoyskiisa ayaa si buuxda ugu raaxaysanaya fasaxa uu sida buuxda ugu qalmay ee uu baytariyada dib ugu buuxsanayo ka hor xili ciyaareedka cusub.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR