Warbaahinta Taliyaaniga ayaa isbuucii la soo dhaafay aad u hadal haysay muran iyo hadal hays ka dhashay sii deeynta Costanza Romano oo muddo afdub loogu haystay Soomaaliya. Maxkamad ku taalla dalka Talyaaniga ayaa furtay baaritaan ku aadan hajanabaad ka dhan haweeneydan u dhalatay Talyaaniga oo sheegtay in ay qaadatay diinta Islaamka. Waxaan halkan idin kula wadaageynaa sawirradii soo dhaweynta Silvia Costanza Romano.

Waxay ka shaqeyneysay arrimaha gargaarka, waxaana sannadkii 2018-kii laga afduubtay gudaha waddanka Kenya. Silvia waxaa dib loogu celiyay dalkeeda ka dib markii laga sii daayay kooxdii haysatay.

Xubnaha ka tirsan xisbiyada midigta fog ee Talyaaniga ayaa bilaabay olole ka dhan ah gabadhan oo naceyb abuuri kara sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Romano waxay aheyd samafale ka howgeli jirtay xarun lagu daryeelo carruurta agoonta ah oo ku taalla koonfur bari ee Kenya. Koox hubeysan ayaa bishii Nofembar ee sannadkii 2018-kii ka afduubatay halkaas, waxaana loo kaxeystay dhinaca Soomaaliya, waxaana la rumeysan yahay in kooxdii afduubka geysatay ay ka tirsanaayeen Al Shabaab.

Silvia Romano oo 25 sano jir ah, waxay Talaadadii iska xirtay barta ay ku leedahay Facebook ka dib markii ay kala kulantay qoraallo lagu aflagaadeynayo oo naceyb ah, sida laga soo xigtay wakaaladda ee dowladda Taliyaaniga ee ANSA.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LLIKE OUR FACEBOOK PAGE