Ismiidaamintan oo uu gaystay nin ka tirsanaa maleeshiyada Al Shabaab ayaa sababtay dhimashada saddex qof iyo dhaawaca saddex kale, sida uu xaqiijiyay Maamulka Gobolka Banaadir.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, Saalax Xasan Cumar (Saalax Dheere) oo Warbaahinta kula hadlay goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in saddex qof oo isu qoys ahaa ay ku dhinteen qaraxaasi, halka saddex kalena ay ku dhaawacantay. Afar ka mid ah dhibane-yaasha ayuu sheegay in qoys qura ka soo wada jeedeen.

Weerarka waxa uu ka dhacay halka loo yaqaano Beerta Daraawiishta oo kaabiga ku haysa baarkii hore ee Baar Bulsho, kuna dhow Isgoyska Sayidka ee Degmada Hawlwadaag.

Soonahan waxaa ku yaala maqaaxiyado ay xilliyada qaarkood fariistaan Saraakiisha iyo Ciidamada Militariga, iyagoo mararka qaarkoodna aad arkeyso in ay ku kala war qaataan.

Ururka Al Shabaab ayaa war kooban oo uu soo saaray ku sheegtay masuuliyadda ismiidaaminta ka dhacday maqaaxida ku taala aagga Isgoyska Sayidka.

“Camaliyad istish-haadi ah oo mujaahidiintu ay ka fuliyeen dhabarka dambe ee Xarunta Baarlamaanka waxaa ku dhintay 9 ka mid ah Ciidamada Dowladda, 24 kalena dhaawacyo ayaa ka soo gaaray.” Ayaa lagu yiri warka Al Shabaab.

Dhanka kale gelinkii dambe ee maanta ayaa waxaa goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray Shaqaalaha Nadaafadda Gobolka Banaadir, kuwaa oo hawlo nadiifin ah ka sameeyay.

Weerarkan ayaa ku soo aadaya, xilli muddooyinkii ugu dambeysay aynaan Magaalada Muqdisho ka dhicin weeraro ismiidaamin ah.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LLIKE OUR FACEBOOK PAGE