(England) 11 Jan 2019. Xiddiga qadka dhexe Chelsea Cesc Fabregas ayaa ku biiray kooxda reer France ee Monaco isagoona qalinka ugu duugay heshiis saddex sano iyo bar ah.

31-jirka oo dib ula midoobay saaxiibkii hore ee Arsenal Thierry Henry oo tababare u ah kooxda Monaco ayaa noqday saxiixii 4-aad ay bishan sameeyaan kooxda reer France.

Kubbad qaabeeyaha reer Spain ayaa kooxdiisa cusub u xiran doona No. 44.

Laacibka oo ka hadlaya kooxdiisa Cusub ayaana yiri:

“Waa farxad wayn inaan ku biiro AS  Monaco, mashruuc Cusub ayuu ii yahay aniga,” Fabregas ayaa sidaa yiri.

“Waxaan halkan u joogaa inaan kooxda Caawiyo, Waxaan ka dhursugayaa inaan ku soo bilowdo. Aad ayaan u faraxsanahay.”.

SAWIRRO:

The Spanish midfielder has joined the principality outfit on a three-and-a-half year deal

Cesc Fabregas has completed his move from Chelsea to Ligue 1 strugglers AS Monaco

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR