Magaalada Paris ee Caasimadda France waxaa ka dhacay qarax weyn sida ay warinayaan Warbaahinta Qaaradda Europe.

Qarax oo ay warar kala duwan ka soo baxayaan ayaa sababay dhaawaca dhowr qof iyada oo Kooxaha dab damiska iyo Booliska ay gurmad wadaan.

Saraakiil ka mid ah Booliska France ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay Foorno ku taalla Xaafadda 9aad ee Paris.

Walxaha qarxa ayaa lagu sheegay in ay ahaayeen jiko Gaas oo ay Foornada lahayd halka dadka qaar warar kale ay sheegayaan.

Sawirro laga qaaday goobta ayaa muujinaya bur bur xoog leh oo soo gaaray Isgoyska uu qaraxa ka dhacay iyo dhismayaasha ku dhaw.

Kooxda Gurmadka deg degga ah ayaa Jaran jaro ku fuulay dhismayaasha qaar si ay u bad baadiyayaan dad ay suuragal tahay in ay ku jiraan dhismaha.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR