(London) 16 Maajo 2018 Arsenal ayaa aad ugu dhaw mid kamid ah daafacyada ugu fiican qaarada yurub gaar ahaan horyaalka Jarmalka.

Di Marzio ayaa daaha ka qaaday in Arsenal ay aad ugu dhawdahay daafaca kooxda Borussia Dortmund ee Sokratis Papastathopoulos.

Daafacaan ayaa buuxinaya booska uu baneeyay Per Mertesacker, sidoo kale dhaawaca Laurent Koscielny ayaa ku qasbaya kooxda inay keento daafac kale oo dheeri ah, Mustafi ayaana dhankiisa laga dirayaa kooxda.

Image result for Sokratis Arsenal

Bild+ ayaa dhankeeda ku raacday wariyaha reer talyaani warkaan, waxayna sheegeen in Sokratis Papastathopoulos uu ku dhawyahay kooxda Arsenal.

Gunners ayaa ku soo xerogalinaysa 29 jirkaan lacag dhan 20 milyan oo euro sida lagu sheegay warbixinta Wargayska Bild.

Maamulka kooxda Arsenal oo wali baadi goobaya tababarihii badali lahaa Wenger ayaa sii bilaabay qorshahooda suuqa kala iibsiga ee xaggaagan.

Gool FM

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR