Xubno ka tirsan maleeshiyada Ururka Al Shabaab, ayaa waxaa la sheegay in lagu qabtay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose, ka dib hawlgal ay hay’adaha ammaanku ka sameeyen degmadaasi.

Shabaabka gacanta lagu soo dhigay oo tiradoodu lagu sheegay dhawr iyo labaatan nin, ayaa waxaa lagu soo qab qabtay hawlgal xalay iyo maanta siyaabooyin kala duwan looga sameeyay Degmada Afgooye.

Cali Nuure Maxamed, Gudoomiye Kuxigeenka Dhinaca Ammaanka ee Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa sheegay xubnaha gacanta lagu soo dhigay inay ahaayeen bartilmaameyd.

Gudoomiye Kuxigeenka oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee BBC, ayaa tibaaxay in raggaasi qaarkood lagu soo qabtay waxyaabaha qaraxyada laga sameeyo iyo weliba hub.

Cali Nuure Maxamed, ayaa waxa uu ku celceliyay inaanu wax shaki ahi kaga jirin in raggaasi ay ka tirsan yihiin maleeshiyada Al Shabaab, sida uu yiri.

Waxa uu hadalkiisa ku xoojiyay in soo qabashadaasi raggaasi ay gacan ka gaysteen dadka deegaanka, oo sida uu sheegay ay kol hore eheladoodu ku dileen halkaasi.

Mar la weydiiyay goorta raggan cadaaladda la horkeeni doono, ayuu sheegay inay taasi tahay shaqo u taalo Booliska Degmada Afgooye, iyagana looga fadhiyo inay waqti u qabtaan, goorta sharciga la horkeenayo.

Tallaabada lagu soo qab qabtay raggan, ayaa waxay ku soo aadaysaa, xilli Ururka Al Shabaab la sheegay inay dagaalyahano keenayn duleedyada Afgooye.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR