Mintidiinta Al Shabaab ayaa war ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan waxa ay ku sheegteen inay gacanta ku dhigeen ciidamo ka tirsan Booliska Dowladda Kenya.

Shabaab oo aan sheegin tirada ciidanka ay gacanta ku dhigeen ayaa sidoo kale tilmaamay inay qabsadeen Laba Mooto iyo Sahnad kale oo ciidan.

Shabaab ma soo bandhigin magacyada iyo sawirada ragga ay sheegeen inay ka soo qabteen Deegaanka Kontonka oo hoostaga Magaalada Wajeer.

“Hawlgal qorshaysan oo Mujaahidiintu ay ka fuliyeen deegaan hoosyimaada magaalada Wajeer ayay ugu suurtagashay in ay la wareegaan gacan ku heynta deegaanka ayna soo qafaashaan ciidamo ka tirsan Booliska dowladda Kenya”. ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Al Shabaab.

Ilaa hadda Dowladda Kenya kama aysan hadlin warkan Shabaab ka soo yeeray ee ku aadan inay gacanta ku dhigeen ciidamo ka tirsan Dowladda Kenya.

Argagixisada Al Shabaab ayaa horey toogasho ugu dilay ciidamo ka tirsan AMISOM oo ay ku qabteen Dagaalo ku dhexmaray Gobolada dalka.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR