Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkii galabta lagu dilay Allaha unaxariistee Xildhibaan C/wali Maxamed Ibraahim oo ka tirsanaa Baarlamaanka Hirshabeelle.

Xildhibaanka ayaa waxaa ku qarxay gaari nuuca raaxada ah oo uu watay, xilli uu marayay meel aan sidaas uga fogeyn xarunta Beerta Nabadda, kadib markii gaarigiisa loogu xiray miinada nuuca dhejiska.

Sarkaal ka tirsan mintidiinta Ururka Al Shabaab oo la hadlay Idaacadda Andalus ayaa wuxuu sheegay qaraxan inay ka dambeeyeen rag ka tirsan ciidamadooda.

“Waxaan beegsanay xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Hirshabeelle xilli uu marayay meel ku dhaw madaxtooyada, sida loogu tala galay ayuuna u dhacay qaraxaasi”. ayuu yiri sarkaalka ka tirsan Shabaab.

Al Shabaab ayaa kordhiyay beegsiga ay ku hayaan xildhibaanada Somalida, kadib markii sidan oo kale bishii September qarax gaarigiisa loogu xiray uu ku dhaawacmay xildhibaan Maxamed Mursal Boorow oo ka tirsan Baarlamaanka Golaha Shacabka.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR