Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qarax miino oo lagu dilay Taliyihii qeybta 12-ka April Cumar Dheere iyo Abaanduulihii ciidanka xoogga qeybta 12-ka April Cabdi Cali Jamaame.

Qaraxan oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa wuxuu qabsaday gaariga uu saarnaa Taliyaha geeriyooday oo xilligaasi maraayay deegaanka Dhanaane ee Gobolka Shabellaha hoose.

Shabaab waxa ay sheegteen 8 askari iyo Taliyihii qaybta 12-ka April qaraxaasi inay ku dileen, islamarkaana uu jiro Khasaare kale oo ciidamadii Taliyaha la socday soo gaaray.

Maalmahan dambe ayaa hawlgalo ka dhan ah Shabaab wuxuu ka socday aagga Marka iyo Dhanaane, halkaasi oo Ciidamada Xoogga dalka Somaliya ay isku fidinayeen.

Tallaabada lagu dilay Taliyihii qaybta 12-ka April iyo Ciidankii la socday,ayaa waxa ay dhabar jab ku noqonaysa hawlgalada ka socday Gobolka Shabellaha hoose oo Shabaab lagula dagaalamayay.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR