Sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah, Xoogaga Shabaab ayaa deeganada Awdheegle iyo Mubaarak waxa ay ku xir xireen tiro dad ah oo shalay deeganadaasi ku soo dhaweeyay ciidamada dowladda Federalka Somaliya.

Dadkaan Shabaab ay xireen ayaa ah dad deegaanka ah oo shalay soo dhaweeyay ciidamada dowladda markii ay tageen deeganada Mubaarak, Ugunji, Awdheegle iyo farsooley.

Sidoo kale Al Shabaab ayaa waxa ay xir xireen dad ciidamada ay u qaybiyeen Simcaro Saraakiisha ciidamada ay sheegeen inay ka soo saareen qol Bakhaar ah oo ku yaalay Saldhig Al Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Awdheegle ee Gobolka Shabellaha hoose.

Dadka Shabaab ay xireen ayaa tiradooda waxa ay kor u dhaafeysaa illaa 20 ruux oo Odayaal iyo dhalinyaro isugu jira, kuwaasi oo hadda ku xiran Awdheegle iyo Mubaarak.

Al Shabaab ayaa la sheegay xalay fiidkii markii ay dib u qabsadeen deeganadan inay bilaabeen baadigoobka dadkii soo dhaweeyay ciidamada, waxaana dadka qaar saaka ay ka soo saareen Shabaab guryahooda oo ay xabsiga dhigeen.

Ilo Wareedyo deegaanka ah oo diiday magacooda iyo codkooda in la adeegsado ayaa sidoo kale sheegaya, dadka ay xireen Shabaab qaarkood inay ku eedeeyeen ku lug lahaanshaha hagida ciidankii Danab ee hawlgalkaasi fuliyay ama siinta xogta ku saabsan weerarka.

Al Shabaab ayaa badanaa deeganada sidan oo kale ay u maamulaan marka laga qabsado oo cidiamada dib ay uga baxaan, waxa ay qaadaan tallaabooyin noocaan oo kale ah oo ku xir xiraan dadka ay uga shakiyaan inay xiriir dhaw la leeyihiin ciidamada dowladda.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR