Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose, xoogag hubeysan oo ka tirsan Mintidiinta Shabaab ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday gelinkii dambe ee maanta degmadaasi.

Weerarkan oo si gaar ah uga dhacay banaanka degmada Qoryooley ayaa waxaa dadka deegaanka ay sheegeen dagaalyahanada weerarka geystay in tiro ahaan lagu qiyaasay 100 nin.

Shabaab oo weerarkooda markii hore ahaa mid gaadmo ah ayaa wuxuu isku bedelay mid fool ka fool ah, waxaana dagaal culus ku dhexmaray ciidanka xoogga dalka oo halkaasi fariisin ku lahaa iyo xubnaha ka tirsan Shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa Dhacdo.com u sheegay in ay iska caabiyeen Shabaabkii weerarka soo qaaday, ayna ka dileen laba dagaalame, sidoo kalena ka dhaawaceen ilaa Saddex nin.

Sidoo kale saraakiishan ayaa waxa ay inoo sheegeen labada nin ee ay dileen in ay keeneen bartamaha magaalada Qoryooley, si dadweynaha loogu soo bandhigo, waxayna tilmaameen saraakiisha in Shabaab ay jiiteen raggii laga dhaawacay.

Shabaab weli kama aanay dagaalkan ay saraakiishu tilmaameen in ay ku dileen rag ka tirsanaa Shabaab, waxaa muuqata Shabaab in ay kordhiyeen weerarada ay ka geysanayaan gobolka Shabeellaha Hoose.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR