In uu heli waayo koox joogto ah ayaa dhib ugu filan tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho kaasoo xilli ciyaareedkan xaalad adag ku billawday.

Waxaa muuqata inuu isku dhex-yaac kaga jiro doorashada safkiisa koowaad, iyadoo dhaawacyada ciyaartoydana ay saameyn kale ku leeyihiin.

Haddaba waxaan idin la wadaageynaa shan boos oo ay qasab tahay in uu go’aan ka gaaro Jose Mourinho, kuwaas oo ay soo daabacday Manchester Evening News.

Difaaca dhexe

Sida dad badani ay aaminsanyihiin, ciladda ugu badan Red Devils waxa ay ka heysataa daafaca dhexe, iyadoo aysan jirin laba xiddig oo si joogto ah u wada ciyaara.

Chris Smalling ayaa hadda u muuqdo midka keliya ee huba booskiisa, waxaase lala ciyaarsiiyaa midkood Phil Jones, Eric Bailly, Victor Lindelof iyo Marcos Rojo.

Afarta daafac ee kale- marka laga reebo Smalling- ma jiro mid si adag uga soo baxay shaqada iyo waajibaadka booskaas, walow Rojo uu dhaawac awgii garoomada kaga maqanyahay.

Difaaca midig

Antonio Valencia ayaa xilli ciyaareedyadii lasoo dhaafay booskan ku heystay awood ballaaran, waxaana hadda tartan adag gelin kara Diego Dalot oo kullankii Young Boys ciyaar cajiib ah soo bandhigay.

Balse joogto la’aanta xiddigahan ayaa dhibaato ku ah Macallin Mourinho, waxaana dhacda mararka qaar inuu u adeegsado Ashley Young.

Khadka dhexe

Nemanja Matic iyo Paul Pogba ayaa ah laba xiddig oo uu joogto u isticmaalo macallinka Portugal u dhashay, balse maadaama uu ciyaaro shax ciyaareed 4-3-3 ah, waxa uusan heysan xiddig uu si joogto ah ula lammaaniyo.

Marouane Fellaini, Scott McTominay, Andreas Pereira, Fred, Ander Herrera iyo marmarka qaar Juan Mata ayaa dhammaantood uu la ciyaarsiiyay Matic iyo Pogba, balse waxa uu hadda u baahanyahay macallinkan inuu helo xiddig uu si joogto ah ugu buuxiyo khadkiisa dhexe.

Garabka midig

Inkastoo aysan heysan United xiddig si rasmi ah ugu diiwaan gashan booska garabka midig, haddana ciyaartoyda kala ah Juan Mata, Jesse Lingard, Anthony Martial, Marcus Rashford iyo Alexis Sanchez ayaa dhammaantood ciyaaray.

balse Marcus Rashford ayaa loo arkaa inuu yahay midka ugu wanaagsan ee garabkaas ka ciyaari kara, walow Jose loogaga fadhiyo inuu doorto xiddig uu joogto halkaas uga ciyaarsiiyo.

Garabka bidix

Xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay bilawgiisa, Anthony Martia iyo Marcus Rashford ayaa keliya ku loollamayay booska dadabka bidix, balse bishii January waxaa kooxda kusoo biiray Alexis Sanchez kaasoo weli qaab ciyaareedkiisii wacnaa aanan helin.

ka dib goolkii guusha marka uu dhaliyay weeraryahanka reer Chile, waxaa shaki badan uusan ku jirin inuu kusoo bilaabanayo Chelsea ciyaarta ay wajahayaan.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR