Inta badan shaqaalihii ka shaqeynayay Qodida Kawaada ayaa isaga baxay guud ahaan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Shaqaalahani ayaa waxa ay sheegeen in ay food saartay cabsi xoogan oo ku aadan weerarada Al Shabaab ay ka geystaan gobolkaasi.

Waxaana ay tilmaameen in Al Shabaab ay dileen in ka badan 100 ka tirsanaa Shaqaalahaasi Sanadiihii la soo dhaafay.

Shaqaalahani oo ka soo jeeda maamulka Nyeri ee dalka Kenya ayaa dib ugu laabtay deegaanada maamulkaasi.

Tallabadani ayaa imaaneysa, xilli dhawaan Macalimiinta aan Muslimiinta aheyn ay isaga baxeen gobolkaasi, kadib markii ay soo wajahdan cabsi la xariirta ammaankooda.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR