Eric Olhats oo ah indho-indheeyihii soo helay Antoine Greizmann markii uu 13 sano jirka ahaa isla markaana geeyay kooxda Real Sociedad ayaa ka hadlay haddii uu 29 sano jirka ree France haatan farxad ku dareemayo kooxdiisa Barcelona.

Olhats ayaa sheegay inuu murugo dareemay markii uu Greizmann ka tagay Atletico Madrid suuqii xagaaga isla markaana uu kasoo horjeeday dadkii aaminsanaa inuu si fiican ula qabsan doono hanaanka ciyaareed ee Barcelona.

“Markii uu Greizmann ka tagay Atletico Madrid, Waxaan dareemay murugo, Waan fahmi karaa inuu jeclaan lahaa inuu ku biiro Barcelona” Ayuu hadalkiisa ku bilaabay Eric Olhats.

“Ciyaartoyda qaar iyo saaxiibadii waxay aaminsanaayeen inuu si wanaagsan ula qabsan doono Barcelona, Laakiin anigu kumaan raacin midaas”.

“Haatan Greizmann waxa uu u muuqdaa mid aan ku faraxsanayn Barca taageero ku filana kama heli karo saaxiibadiisa kooxda iyo tababaraha”.

Dhinaca kale Olhats ayaa rajaynaya in xaalada Antoine ee Camp Nou ay isbedeli doonto balse waxa uu sidoo kale sheegay in Barcelona ay u baahantahay inay dareen dheeri ah siiso.

“Anigu ma ihi tababaraha Barca, Laakiin Greizmann dhab ahaantii waa mid hawl-kar ah oo hibo leh, Barcelona waa inay in ka badan isaga tix-geliso”.


Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LLIKE OUR FACEBOOK PAGE