Kaddib wada xaajood aad u badan iyo tix gelin badan oo uu sameeyay, Da’yarka ahna kabtanka kooxda Ajax ee Matthijs De Ligt ayaa go’aansaday mustaqbalkiisa halka uu ku aaminayo waxaana ku dhaw kooxda ree Talyaani ee Juventus.

Haatan, Iyadoo uu aad usoo dhawaanayaan kulamadii ka horreeyay xilli ciyaareedku ayaa la filayaa in ugu dambayn ay meel uun sal dhigato sheekadii daba dheeraatay ee De Ligt.

Kooxaha Barcelona iyo Paris Saint-Germain ayaa hore loo filayay inay yihiin kuwa ugu dhaw dhaw ee qancin kara 19 jirkan iyadoo waliba Barca ay haysato saaxiibka De Ligt ee Frankie De Jong oo ay adeegsan karaysay balse sheekada ayaa sidaas ka duwanaatay.

Wakiilka xiddigan ee Mino Raiola oo isagu koox kasta oo soo dalbatay xiddigiisa ku adkeeyay kana shaqaynayay sidii uu dalabka ugu wanaagsan ugu heli lahaa ayaa u muuqda mid ku qancay Juve.

Haddaba, Waa maxay waxa ay Juventus ku qancisay da’yarkan isla markaana ay soo awoodi waayeen dhammaan kooxihii kale ee waaweynaa ee suuqa ugu jiray saxeexiisa?

Sababta ugu weyn ee ay De Ligt ku qancisay Bianconeri ayaa lagu sheegay dhinaca mushaharka waxaana laga soo xiganayaa il wareedka “AD” in 19 jirkani uu qaadan doono saddex jibaarka mushaharka uu Barca ka heli doono saaxiibkiisii De Jong.

Taas ayaa la micno ah in Matthijs uu noqon doono xiddiga labaad ee ugu mushaharka badan guud ahaan horyaalka Talyaaniga isla markaana uu kaliya ka dambayn doono Cristiano Ronaldo.

De Ligt ayaa isaga oo aad u da’yar ka mushahar badnaan doono xiddigo waaweyn oo Serie A ku sugan waxaana xiddigahaas kamid ah Kalidou Koulibaly, Miralem Pjanic iyo Paulo Dybala.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR