Wakhtiga wuu soconayaa, waxaa soo baxaya jiil cusub oo kubadda cagta doonaya iney ku xamaashaan halka kuwa kalana ay siibayaan kabaha kubadda cagta, sanadkaan 2019 waxaa faarujiyay garoomada kubadda cagta halyeeyo badan oo aad loo qadariyo, balse waxaa lasoo bandhigay shaxdii ugu fiicneed.

Shaxda lasoo bandhigay waxaa iska waayay labada weeraryahan ee soo xirtay maaliyadda Man United Dimitar Berbatov iyo Robin van Persie, waxaana badalkooda lasoo xulay Fernando Torres iyo Samuel Eto’o oo wakhtiyo dahabi ah kusoo qaatay kooxaha qaaradda yurub.

Safkaan lasoo bandhigay kaliya laba xiddig ayaan ku guuleysan koobka horyaalada yurub waana Andrea Barzagli iyo sidoo kale Juan kuwaas oo wakhtiyo kala duwan ku qaatay kooxaha AS Roma iyo Juventus.

Liiskaan waxaa goolka loo soo xushay mid ka mid ah goolhayeyaasha ugu fiican wakhtigiisa Petr Cech kaas oo kadib final-kii Europa League ee laga qaaday Arsenal ku dhawaaqay inuu isaga fariistay ciyaaraha, sanadkii 2012 ayuuna Chelsea kula guuleystay koobka horyaalada yurub isaga ayaana udub dhexaad u ahaa.

Xavi Hernandez oo durba bilaabay doorkiisa tababarnimo ayaa ku jira, waa mid ka mid ah xiddigaha lagu tixgeliyo iney kubadda akhriyaan, baaskooda iyo aragtidoodana ay aad u fiican tahay, wuxuu ka mid ahaa tiro ciyaartoy ah oo guulo aan la qiyaasi karin la gaaray Barcelona wakhti kooban.

Arjen Robben oo waayay koox uu ku biiro ayaa ku jira, Bayern ayeyna aheyd kooxdii uu markii ugu dambeysay kasoo muuqday.

Schweinsteiger oo wakhti fiican lasoo qaatay Bayern Munich, balse wakhti aan qurux badneyn la qaatay Man United ayaa ku jira liiskaan, Sneijder ayaana wehliya iyo xiddigaha Evra iyo Cole oo lagu tilmaamo laba ka mid ah dadabyada daafac kuwooda ugu fiicnaa ee soo maray Premier League.

SHAXDA OO DHAMEYSTIRAN:

Petr Cech, Andrea Barzagli, Juan, Patrice Evra, Ashley Cole, Arjen Robben, Bastian Schweinsteiger, Wesley Sneijder, Xavi Hernandez, Samuel Eto’o, Fernando Torres.

XIDDIGEE AYAAD U XIISI DOONTAA?

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR