Arsenal ayaa marti u ah kooxda Eintracht kulanka kowaad ee furitaanka Europa League iyada oo kooxda Unai Emery ay markale doonayso in ay dagaal u gasho sidii ay koobka Europa League ugu guulaysan lahayd.

Arsenal oo eedayn badan kula kulantay barbarihii niyadjabka lahaa ee ay Watford la galeen, laakiin Emery ayaa shaxdiisa isbadalo ku sameeyay.

Arinta ugu walwalka badan ee ayna jamaahiirta Arsenal jeclaysan doonin ayaa ah in Emery uu difaaca dhexe ku soo wada bilaabay Mustafi iyo David Luiz oo eedayn badn la kulmayay.

Emery ayaa shaxdiisa ku soo bilaabay Chambers, Smith-Rowe iyo da’yarka Willock halka Aubameyang uu safka weerarka hogaaminayo.

Shaxda Rasmiga Ah Ee Arsenal iyo Eintracht:

Eintracht XI: Trapp; Abraham, Hinteregger, Hasebe; Kamada; Kostic, Sow, Kohr, Da Costa; André Silva, Dost.

Arsenal XI: Martínez; Mustafi, David Luiz, Chambers, Kolasinac; Smith-Rowe, Torreira, Xhaka; Saka, Aubameyang, Willock.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR