Manchester United ayaa bilaabanaysa tartanka UEFA Europa League heerkiisa guruubyada waxayna Red Devils wajahaysaa kooxda Astana.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa isbadal badan ku sameeyay shaxda kooxdiisa waxaana kulankan ku soo bilawday xidigo badan oo aan kulamadii Premier League fursad helin.

Da’yarka Chong, Greenwood, Gomes ayaa dhamaantood ka soo muuqday shaxda uu Solskjaer soo xushay halka Matic, Marcos Rojo, Fred iyo Sergio Ramero ay dhamaantood kulankan ku soo bilawdeen.

Dalot, Phil Jones iyo Tuanzebe ayaa ka mid ah ciyaartoyda kulankan fursadooda ka helay Man United halka Marcus Rashford uu yahay xidiga kaliya ee kooxda Solskjaer ku soo bilaabanayay ee shaxdan ku soo baxay.

Shaxda Rasmiga Ah ee Man United Vs Astana

Manchester United XI: Romero, Dalot, Jones, Tuanzebe, Rojo, Fred, Matic, Gomes, Greenwood, Chong, Rashford

Astana XI: Eric; Shomko, Simunovic, Postnikov, Rukavina, Maevski, Tomasevic, Tomasov, Sigurjonsson, Rotariu, Murtazayev

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR