Muqdisho
(PP) ─
Sheekh Mukhtaar Roobow Cali
[Abu Mansur] oo horay uga soo goostay Al-shabaab ayaa si qarsoodi ah loogu
daweeyay isbitaal ku yaalla Muqdisho, kaddib markii uu lasoo darsay xanuun uu
horay u qabay.

Wadaadkan oo u xiran dowladda
Somalia tan iyo sannadkii hore ayaa waxaa la sheegay in xanuun dhanka kilyaha
ah oo loo dhigay isbitaalka Digfeer oo ay maamusho dowladda Turkiga, halkaasoo
lagu dawenayay muddo saddex maalmood ah.

Roobow Abu-Mansurur ayaa la
sheegay in hadda ay xaaladdiisa caafimaad wanaagsan tahay, waxaana dib loogu
celiyay xarunta nabad-sugidd oo uu ku xirnaa tan iyo markii laga soo qabtay magaalada
Baydhabo ee gobolka Bay oo uu joogay inuu ka qayb-galo doorashada madaxweyaha maamulkaas
oo uu ku guuleystay Lafta-gareen.

Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya
in Sheekh Mukhtaar Isbitaalka la dhigay dhammaadkii bishii lasoo dhaafay loona
diiday warbaahinta inay wax badan ka ogaato arrintaan, inkastoo ay sheegeen
hadda xubno ku dhaw isbitaalka iyo saraakiil ka tirsan NISA.

Taliska hay’adda sirdoonka
iyo nabad-sugidda Somalia oo wax lag weydiiyay arrintan ayaa ka gaabsaday inay
ka hadlaan, haatanna uu ku xiran yahay halkii horay loogu hayay oo ka tirsan
dhismaha hay’adda ay ku leedahay Xamar.

Dhanka kale, Sheekha ayaa la
isku dayay dhawr jeer in xabisga laga sii daayo, balse waa la isla fahmi
waayay, taasoo keentay in xaaladda wadaadkan horay uga soo goostay Al-shabaab
ay sii adkaato, laguna kala tago.

Ugu dambeyn, Wadaadkan ayaa
sababihii uu uga soo goostay Al-shabaab lagu sheegay inay ka mid yihiin xaalado
caafimaad oo lasoo darsay iyo sidoo kale in khatar weyn la geliyay naftiisa,
kaddib markii ay isku dhaceen xubnaha ururkaas ugu sarreeya.

PUNTLAND POST


Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR