Baydhabo (PP) ─ Shirka wada-tashiga Wasaaradaha Boostada iyo Isgaarsiinta ee Federaalka iyo Dawlad-goboleedyada ayaa maanta ka furmay magaalada baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dawlad-goboleedka Koonfur-galbeed.

Shirkan oo looga hadli doono
qodobo ay ka mid yihiin qiimeynta waxyaabaha ka qabsoomey kulamadii hore ee
shirka iyada oo sidoo kale lagu dersi doono caqabadaha jira isla markaana lagu
qorsheynayo qodobada mudnaanta iyo muhiimadda gaarka ah u leh dalka gaar ahaan
dhinaca Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda, Shirkan ayaa waxaa sidoo kale
qorsheysan in lagu soo bandhigo qorshaha xili-kordhinta mudada waxqabadka
Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta iyo Mashruuc ballaaran oo dhinaca
tiknolojiyadda ah oo isku xiri doona qaar kamid ah wadamada geeska Afrika gaar
ahaan dalalka Itoobiya, Eretereya, Jabuuti, Kenya iyo Dalkeena.

Wasiirka Boostada,
Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee Dawlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur
Galbeed Mudane Xildhibaan Mohamednuur Sheekh Cadde, oo soo dhoweeyay
ka-soo-qeybgalayaasha ayaa sheegay in ay sharaf weyn u tahay in Iagu qabto
shirkan oo ah kii 4aad ee ay isugu yimaadaan wasaaradahan magaalada Baydhabo
isaga oo u rajeeyey guul qodobada iyo ajandayaasha horyaala shirka.

Wasiirrada Boostada iyo
Isgaarsiinta ee Puntland iyo HirShabeelle oo hadallo kooban ka jeediyay
furitaanka shirka ayaa waxa ay sheegeen inay ku faraxsan yihiin ka soo
qeyb-galka kulankan iyaga oo ka mahad celiyey wadashaqeynta dhow ee ay suurto
geliyeen kulammada nuucan oo kale ah.

Sidoo kale, Wasiir-u-dawlaha Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta Somalia, C/laahi Bile Nuur ayaa adkeeyey in Wasaaraddu ay muhiimad gaar ah siineyso talada iyo fikirka wasaaradaha dawlad-goboleedyada si loogu wada shaqeeyo qorshe laga wadatashaday.

Wasiirka Boostada,
Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan, ayaa si
kooban uga hadlay waxyaabahii u qabsoomey Wasaaradda muddadan kooban iyo
waxyaabaha laga filanayo gebo-gebada kulan, isaga oo xusey in ay ka go’antahay
Wasaaaradda in ay wadatashi joogto ah iyo xiriir aad u dhow oo wadashaqeeneed
la yeelato Wasaaradaha ku abbaaran ee dowlad goboleedyada dalka si loo helo
qorshe loo wada dhanyahay, laga tashtay oo dalka gaarsiiyo horumar si guud u
wada saaameeya.

Madaxweyanaha Koonfur-galbeed,
C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa si rasmi ah u furay Shirka isaga oo
kula dardaarmey ka soo qeyb galayaasha in ay maskaxda shiilaan kana
wadashaqeeyaan sidii loo dardargelin lahaa qorshayaasha qaran ee la xiriira
Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Dalka.

Ugu dambeyn, Shirkan oo seddex casho ah ka socon doona Baydhabo ayaa waxaa ka qayb-galaya ka faa’iideystayaasha mashruuca taakuleynta Isgaarsiinta sida Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed.

PUNTLAND
POST


Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR