Maanta oo Arbaco ah ayaa la filayaa In magaalada Kampala Lagu Soo gabagabeeyo shir madaxeedka madaxda Afrika

Shirkan oo shalay ka furmay magaaladaasi ayaa waxaa ka qeybgalaya qaar ka mid ah madaxda wadamada Africa, wakiillo ka socda hay’adaha iyo Bangiyada caalamiga ah, ganacsato iyo xubno kale.

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa la filayaa in maanta shirkaasi uu Khudbad ka jeediyo.

Ulajeedka shirkan ayaa ah sidii loo xoojin lahaa xiriirka dalalka Africa ee dhanka dhaqaalaha, amniga iyo sidoo kale horumarka.

Goobjoog News

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR