August 12 (Jowhar)— Shirkadda Favori ee maamusha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada ayaa cabasho xoog leh ka soo saartay hub lala soo galay gudaha Air Por-ka, taasoo amniga garoonka wax u dhimi karta.dhex maray shaqaalaha u qaabilsan Amniga iyo Saraakiil ciidan oo hub la soo gala qeybta ay ka maamulaan garoonka.

Warqad uu soo saaray Madaxa Amniga u qaabilsan Favori ayaa waxaa uu diray Hey’addaha ay quseyso arrintan, si wax looga qabto.

Sarkaal Boolis ah oo ay u xirneyd Bastoolad ayaa la sheegay inuu isku dayay inuu hareer maro Qalabka baaritaanka ee la yiraahdo Xray, isagoo damacsanaa inuu gudaha u galo garoonka, hase ahaatee Ilaalada ayaa celiyay sarkaalka oo ku amray in Bastoolad aan lala geli karin, waxaana taas ay keentay isku dhac dhex  iyo aflagaado dhex maro Sarkaalka iyo ilaaladii shirkadda, iyadoo ay gaartay heer Bastoolad la isla baxo, lana isku hanjabo.

Inta badan shirkadda ayaa cabasho ka qaba Saraakiisha iyo xubnaha mas’uuliyiinta ee bastooladaha wata inay gudaha garoonka, gaar ahaan Terminalka ay la soo galaan.

Mas’uuliyiinta Shirkadda ayaa ugu baaqday dowladda Soomaaliya iyo hey’adaha qaabilsan garoonka in arrintan si deg deg u soo fara geliyaan, isla markaana ay ka qaadaan tallaabo sharci ah.

Halkan hoose ka akhriso warqada cabashada ee ka soo baxay Shirkadda Favori LLC

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR