Shirkadda
Twitter ayaa hawada ka saartay akoonno ay Twitter  ku leeyihii koox mucaarad ku ah dowladda
Iiraan oo ku sugan waddanka Mareykanka iyo taageerayaashooda, kadib markii lagu
eedeeyey in ay ku xad-gudbeen shuruucda shirkadda Twitter-ka.

Cinwaan
uu  barta Twitter-ka ku lahaa  ururka the Organization of Iranian American
Communities oo loo soo gaabiyo OIAC oo ah hay’ad taageerta waxay ugu yeerto
“halganka isbadalka dimuqraadiyadda” ayaa la xiray Arbacadii. Akoonkan ayaa
waxaa ku tixnaa in ka badan lix kun oo qof.

OIAC
ayaa ka war heshay in bartoodii Twitter-ka la xiray xilli ay ku guda jireen
kulan ay soo agaasintay hay’addu oo ka socday xafiiska golaha senate-ka ee
Dirkson ee magaalada Washington, kaasi oo looga hadlaayay waxa ay hay’aadu ugu
yeertay “kororka caburinta gudaha iyo gardarrada gobolka ee Tehran.”

Kulanka
ayaa waxaa ka qeybgalay Ted Cruz iyo John Boozman oo ah laba senetaor oo ka
tirsan xisbiga Jamhuuriga.

Alex
Arzabak oo ka tirsan xubnaha OIAC oo la hadlay laanta Persian eeVOA ayaa
sheegay in kooxdooda warbaahinta bulshada u qaabilsan ay ka war heshay in
akoonkooda guud ee ururka la xiray xilli ay damacsanaayeen in ay faafiyaan
warbixinnada la xiriira kulankaasi.

Arbazak
ayaa sheegay in ay tahay markii u horreysay ee ay shirkadda Twitter xirto
akoonka guud ee OIAC.

Arzabak iyo laba haween ah oo kale oo iyana akoonadooda Twitter-ka la xiray ayaa sheegay inaan loo sii sheegin in akoonnadooda la xiri doono iyo iney ku xadgudbeen sharciyada guud ee shirkadda Twitter-ka.

PUNTLAND POST


Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR