Man United waxaa u bilowday fasal ciyaareed ay tahay iney iska ilowdo hadii aysan gadaal iska qaban, waa xilligii ugu xumaa kooxda tan iyo markii la bixiyay magaca Premier League maadaama ay shaqeysatay kaliya 9-dhibcood kadib 8-kulan oo ay ciyaareen.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa kooxdaan u hogaamiyay iney fariisato kaalinta 12-aad ee horyaalka, waxaana shaki weyn la galinayaa mustaqbalkiisa xilli ay jiraan dhawr tababare oo durba lagu lifaaqay magaca kooxda ugu guulaha badan Ingiriiska.

Reds ayaa dhankeeda qaadaneysa ku bilaabatay sidii ugu fiicneed mudooyinkii lasoo dhaafay maadaama aysan waxx dhibic ah lumin dhamaan sideedii (8) ciyaarood, waxeyna u hanqal taagayaan iney ku guuleystaan horyaalka muddo 30-sano kadib.

Haddaba fasalkaan Red Devils waxey kaliya gaareen 2-guul, 3-guuldaro iyo 2-barbaro, waxaana lasoo sheegayaa iney kaalmaha looga haro horyaalka gali karto hadii ay dhacaan natiijooyinka aan hoos ku sharraxi doono.

Maxaad u baahan tahay iney dhacaan si aad Man United ugu aragto boosaska looga haro horyaalka Premier League isbuucaan?

Everton Oo Ka Guuleysata West Ham

Kooxda Everton oo ay baryahaan xaaladu ku xun tahay waxey doonysaa iney soo afjarto 4-kulan oo ay guuldaro qaadaneysay, hadii ay ka guuleysato West Ham waxey tageysaa 10-dhibcood taasoo ka sara-marineysa United.

2006 ayaana ugu dambeysay in Everton ay guuldaro kala kulanto Hammers iyagoo jooga Goodison Park.

Aston Villa iyo Brighton oo dhibcaha qeybsada.

Waxaa loo baahan yahay in labadaan kooxood ay dhibcaha qeybsadaan, hadii ay sidaas dhacdo Red Devils wey ka hoos mareysaa labadaan kooxood.

Brighton hal dhibic ayey ka sarreyneysaa United, halka Villa ay isku dhibco noqonayaan, waxey kaloo ka sinaan doonaan farqiga goolasha balse Villa 13-gool ayey dhaliyeen fasalkaan halka United ay dhalisay 9, taasaa keeni karta in Villa ay meel ka koreysa United fariisato.

Newcastle oo ka guuleysata Chelsea

Magpies-ka waxey guul ka heleen Man United kulankii ugu dambeeyay, waxey u baahan yahiin iney Blues dilaan si ay meel kasarreysa Red Devils u fariistaan, waxey ka dhignaan doontaa in wiilasha Steve Bruce ay 11-dhibcood tagi doonaan halka Chelsea ay markii horaba ka sarreysay United.

Southampton oo guul ka hesha Wolves

Saint hadii ay guul ka hesho Wolves waxey tiigsan doontaa 10-dhibcood.

Liverpool oo goolal laba ka badan kaga badisa Man United

Kulanka weyn ee Axadda waa mid la buun-buuninayo, sidaas darteed hadii aad dooneyso in Red Devils ay fariisato boosaska looga haro Premier League waa inaad u rajeysaa in 2-gool iyo ka badan looga adkaado.

Hadii United looga adkaado 1-0, ma gali doonto booska looga haro maadaama ay hal gool oo farqi ah heystaan.

Kulamada kale wax saameyn ah ma lahan marka laga tago kulanka Arsenal iyo Shieffield United kaas oo dhici doona Isniinta, balse hadii ay dhacaan natiijooyinkaas maba loo baahna in la sugo natiijadaas.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR