Tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane ayaa diiday inuu meesha ka saarao inuu u dhaqaaqayaan saxiixa Neymar.

Laakiin kooxda ay sida weyn u xafiiltamaan ee Barcelona ayaa sidoo kale lala xiriiriyay weeraryahanka ka tagaya Paris Saint-Germain xagaagan.

Neymar ayaa cadeeyya inuu doonayo inuu ka tago garoonka Parc des Princes labo sanno ka dib markii uu heshiis rikoorka adduunka ah uga soo wareegay Barcelona.

Dukaanka kooxda PSG ayaa joojiyay inay iibiyaan maaliyadaha magaca Neymar uu ku qoran yahay.

Madrid iyo Barcelona ayaa heysta ilaa 2da bisha September inay ku dhameystaan saxiixa Neymar markaasoo uu soo xirmayo suuqa kala iibsiga Yurub,

Haddii Real Madrid ay ku guuleysato saxiixa Neymar waxa ay heli doonaan weerar xoogan oo ay ku gumaadi karaan kooxaha Yurub xilli ciyaareedkan.

Waxay u muuqataa in tababare Zidane uu iska cafiyay Bale ka dib markii loo waayay koox iibsata sidaasi darteed Real Madrid waxa ay heli kartaa weerar ka kooban Hazard, Bale iyo Neymar.

Barcelona ayaase noqon doonta kooxda ugu weerarka culus Yurub haddii ay soo ceshtaan Neymar, iyagoo ku soo bilaabi kara shaxdooda Lionel Messi, Luis Suarez, Antoine Griezmann iyo Neymar.

Antoine Griezmann ayaa ka ciyaari kara booska ka danbeeya seddexda weerar ee afka hore ee Suarez, Messi iyo Neymar halka sidoo kale ay heysanayaa Ousmane Dembele oo bedel aad u fiican noqonaya.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR