Sidee Loo Kala Horreeyaa Tartanka Gool-Dhalinta Horyaallada Premier League, Laliga Iyo Serie A?

Horyaallada qaaradda Yurub kuwooda ugu waaweyn ayaa waxa dhamaad ku dhow is-araggii hore ee kooxaha oo dhamaan doona bisha December, waxaana ka hor sannadka cusub ee 2020 bilaabmi doona kulamada labaad.
Horyaalka waddanka Ingiriiska oo la ciyaaray 14 kulan ayaa waxa hor-boodaysa Liverpool oo siddeed dhibcood ka horreysa Leicester City oo kaalinta labaad ku jirta, laakiin waxa uu dagaal xooggan ka jiraa kaalmaha labaad, saddexaad iyo afraad oo ay isku eryanayaan Leicester, Manchester City iyo Chelsea oo aanu farqi badan u dhaxaynin.
Dalka Spain waxa isku-dheggan Barcelona iyo Real Madrid oo haysta min 31 dhibcood, laakiin kooxda reer Catalonia ayaa hal gool ku haysa farqiga goolasha.
Horyaalka waddanka Talyaaniga ee Serie A, waxa isagana hoggaanka qabatay Inter Milan oo haysata 37 dhibcood, waxaana hal dhibic kaliya ka hoosaysa Juventus.
Haddaba saddexdan horyaal, sidee ayaa loo kala horreeyaa tartanka gool-dhalinta:
Premier League:
- Jamie Vardy, Leicester City – 13 gool
- Tammy Abraham, Chelsea – 10 gool
- Pierre-Emerick Aubameyang, Arsenal – 10 gool
- Sergio Agüero, Manchester City – 9 gool
- Sadio Mané, Liverpool – 8 gool
- Raheem Sterling, Manchester City – 8 gool
- Marcus Rashford, Manchester United – 7 gool
- Teemu Pukki, Norwich City – 7 gool
- Danny Ings, Southampton – 7 gool
- Harry Kane, Tottenham 6 gool
- Mohamed Salah, Liverpool – 6 gool
- Raúl Jiménez, Wolves – 6 gool
- Harry Wilson, Bournemouth – 6 gool
- Chris Wood, Burnley – 6 gool
- Ashley Barnes, Burnley – 6 gool
LaLiga:
- Karim Benzema. Real Madrid – 10 gool
- Lionel Messi. Barcelona – 9 gool
- Lucas Pérez. Alavés – 8 gool
- Gerard Moreno. Villarreal – 8 gool
- Loren Morón. Real Betis – 8 goo
- Luis Suárez. Barcelona – 7 gool
- Willian José Real Sociedad – 7 gool
- Daniel Parejo, Valencia – 6 gool
- Ángel Rodríguez, Getafe – 6 gool
- Maxi Gómez, Valencia – 6 gool
- Joselu, Alavés – 6 gool
Serie A:
- Ciro Immobile. Lazio – 17 gool
- Romelu Lukaku. Inter Milan – 10 gool
- Luis Muriel. Atalanta – 8 gool
- Francesco Caputo. Sassuolo – 8 gool
- Domenico Berardi. Sassuolo – 7 gool
- Andrea Belotti. Torino – 7 gool
- João Pedro. Cagliari – 7 gool
- Duván Zapata. Atalanta – 6 gool
- Cristiano Ronaldo, Juventus – 6 gool
- Joaquín Correa, Lazio – 6 gool
- Edin Dzeko, Roma – 6 gool