Weeraryahanka kooxda kubada cagta Manchester United, ee Romelu Lukaku, ayaa waxa uu haatan kamid yahay gooldhaliyaasha ugu halista badan ee ka ciyaareysa Horyaalka wadanka UK, ee Premier League.

Wuxuu dhaliyay 7 gool, kulamadii uu nasiibka uyeeshay inuu ku metalo Man United, fasal ciyaareedkan, waxaana uu ahaa midka kaliya ee goolasha udhalinayay Red Devils, ciyaarihii u horeeyay ee EPL, inkastoo ay ka jiifto.

Lukaku oo wareysi siinayay Shabakada Sky Sport, ayaa wuxuu sheegayaa in soo laabashada Zlatan Ibrahimovic, oo kamid ah, weerar yahanada ku sugan Old Trafford, ayaa wuxuu sheegayaa inay wax badan ay caawin doonto.

Wuxuu yiri: “Waa ciyaaryahan wanaagsan inaan isaga helno, waxay naag saacidi kartaa inaan ku dhawaano, Man City, waxaana aan ka heli doonaan soo laabashadii dhiiro gelin badan.

Wuxuu sii raaciyay: “Waxaan ku dhashay inaan dhaliyo goolal, waxaana ahay mid aad u jecel inuu mar waliba, soo taabto shabaqa, waana soo taaban doonaa dhawaan iyo sida ugu dhow uguna macquulsan.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR