Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa iska casilay xilka xubinimada guddiga dastuurka baarlamaanka labada aqal ee dalka.

C/raxmaan Faroole oo xubin ka ahaa guddiga dastuurka baarlamaanka ee labada aqal ayaa wuxuu isku dayay inuu noqdaa guddoomiyaha guddigaasi balse waxaa ka guuleystay C/Qeybdiid.

Xildhibaanada aqalka sare ayaa maanta kulan ay yeesheen waxaa laga aqriyay warqad uu soo qoray C/raxmaan Faroole oo aheyd in laga aqbalo iska casilidda xilka xubinnimada guddiga dastuurka labada aqal.

Guddoomiyaha xildhibaanada aqalka sare C/Xaashi Cabdullaahi ayaa sheegay in la buuxin doono booska uu baneeyay C/raxmaan faroole, waxaana iska soo dooran doono xildhibaanada aqalka sare.

C/raxmaan Faroole ayaa todobaadkii hore waxaa looga guuleystay guddoonka guddiga dastuurka, waxaana uu helay codad gaaraya 4 halka Cabdi Qeybdiid uu helay 6 cod, maadaama xubnaha guddigaasi ay ka kooban yihiin 10 oo kala matalaya labada aqal ee baarlamaanka.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR