Waxaa jira hadal hayn ah in cudurka covid19 uu ku soo rogaal celinaya dalal u haystay inay xakameeyeen. Arrintan ayay in badan ka digayeen seynisyahannada iyo Hay’adda Caafimaadka Addduunka ee WHO

Hirkan labaad ee cudurka coronavirus hadda ma ahan xilligi la dhihi lahaa “haddii”, laakiin waa xilligi lagu baraarugi lahaa” ayuu yiri Dr Jennifer Rohn oo ku takhasuay cilmiga noolaha oo aad ula socoday sida uu Aasiya uu cudurka ugu faafay dunida kalana uu u gaaray.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHo waxay sheegtay inuu faayraskan cusub, xakameyntiisuna ay u baahan tahay “dadaal ballaadhan”.

Waddamadi la yimid xeelado iyo hababa ay ku xakameeyaan cudurka safmarka ee coronavirus iyaga oo u maraya baaritaan, dabagal iyo maareynta xayiraadaha oo ay ka mid yihiin dalalka Kuuuriyada Koonfureed iyo Japan oo qaaradda Asia ku yaalla, iyo Jarmalka oo ku yaalla Yurub ayaa haatan laga soo sheegayaa marki ay xayiraadaha dabciyeen inuu cudurka uu markale ku laba kacleeyey.

Wargeyska the Guardian wuxuu toddobaadkan qoray, kooxda jawaab ka bixinta Covid-19 ee Midowga Yurub waxay soo jeediyeen iney iisu diyaariyaan hirka labaad ee cudurka, “su’aashuna waxay tahay xilligee iyo intey le’eg tahay” ayuu yiri agaasime Andrea Ammon,

Casharro noocee ah ayaan ka baraneynaa wadamada markii hore la macaamilay Covid-19, oo dunida inteeda kale hore kaga horreeyey saameynta coronavirus?

Kiis Kasta, Xiriir kasta

Sida ay sheegayaan Khubarada Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO casharka ugu muhiimsan ee laga baran karo Bariga Asia ay ugu muhiimsan tahay “ogaanshaha, go’doominta, baaritaanka and daryeelidda kiisaska iyo karantiilidda qof kasta oo qof cudurka haleelay xiriir la yeeshay,”

Dr Rohan oo ku takhasusay unugga faayraska oo ka tirsan University College London, ayaa taageeraya: “in qorshaha lagu darsadaa xogaha ka imanaya Asia, waana inaan u aragnaa qaabka ugu habboon ee cudurka loo xakameyn karo ay ka mid yihin baaritaanno iyo dabagal adag iyo karantiil.”

Tusaala ahaan, Kuuriyada Koonfureed waxay ahayd mid uu Covid-19 u u si aad ah ugu faafay, balse dowladda markiba waxay hirgelisay baaritaanno ballaadhan iyada oo adeegsaneyso app gaar ah iyo teknooloojiyadda GPS oo ay kiisaska kula scoto.

Waxtarka nidaamkaasi dhawaan ayaa la xaqiijiyey kaddib marki kiisaska cusub ee cudurka la diiwaan geliyey horraanti bisha May, iyada oo aan toddobaadyo la helin kiisas cusub, waxaana si gaar ah baaritaanka lagu bartilmaameedsaday xaafad ku taallo magaalada Seoul oo ay ku badan yihiin goobaha lagu caweeyo. 11,000 ayaana laga qayb geliyey baaritaankaasi.

Iskudubbaridka Xogta

Casharka labaad ee laga baranayo wuxuu yahay uruurinta iyo isku dubbaridka xogaha iyo daraasadaha ka imaado waddamada sida Shiinaha, Japan iyo Kuuriyada Koonfureed oo fahmay dabeecadaha faayraskan u leeyahay.

“Haddan waxaan wax ka ogaannay heerka ka bogsashada cudurka, balse weli waxaan u baahannahy inaan wax ka barannno heerka xiriirka qofka cudurka qaba qof aan qabin ay yeelan karaa,” ayuu yiri Barafasor Alistair McGuir, oo madax ka ah dhaqaalaha caafimaadka ee waaxda siyaasadaha cafimaadka ee London School of Economics.

Faayraskan waxaa la rumeysan yahay inuu dabeecad ahaan uu ka duwan yahay faayrasyada sanadihi ugu dambeeyey la arkay, oo ay ka mid yihiin SARS ee Asia ka dillaacay, iyo Ebola oo Afrika ka dillaacay, sidaa darteed, uruurinta iyo isbarbardhigga xogaha aad bey muhiim u tahay si daldaloollada jira si kasta oo ay suuragal tahay lagu buuxiyo.

Casharka seddexaad ee laga baran karana wuxuu yahay faayraska sida uu u dhaqmo marka xayiraadaha la khafiifiyo: “Ha noqon mid aad u niyad jaba” ayuu yiri Barafasoor McGuire oo ka hadlayo waaya aragnimada Asia.

Xayiraadda guuleystay waxaa weeye tan ay ka dhalata kiisas cususb oo coronovirus oo la waayey. Gobolka Hokkaido ee dalka Japan ayaa noqonaya gobolkii ugu horreeyey oo xayiraad adag soo roga dabayaaqadi Fabraayo.

Bartamaha bisha March waxaa hoos u dhacay kiisaska cudurka maalintina waxa la diiwaan gelinayey 1 ama 2 kiis o keli ah. Hoos u dhaca cudurka ayaana loo sababeeyey guul ka soo hoyatay tallaabbooyinka degdegga oo ay dowladda Japan qaadday.

Baaritaan- markeli ah maahee waa in laba mar la sameeyo

Hal farriin oo fudud ayey ku celceliyaan khubarada caafimaad taasoo ah: “Arrinta ugu muhiimsan ee aan Asia cashar ahaan uga qadaneyno inuu yahay baaritaanka,” ayuu yiri Dr Rohn.

Kiisaska cudurka Koonfur Kooriya markale ayey sare ugu kaceen hasa yeeshee dalku wuxuu si buuxda u hirgeliyey nidaam lagu hirgelin karo 10,000 oo baaritaan maalin walba.

Waddamada reer galbeedka oo ay ka mid yihiin Jarmalka, UK iyo Spain waxay qaateen nidaam la mid ah ka Kuuriya oo ay ku fuliyaan baaritaanno maalinla ah oo ballaadhan.

Hong Kong waxay hirgelisay nidaam muhiim ah oo koronta ku shaqeeya oo ay kula socota xaaladda dadka dhinaca badda Hong Kong ka soo gala.

“Waan ognahay cudurkan inuu yahay cudur aad iyo aad loo kala qaado,” ayuu yiri Barafasor McGuire.

18-ka bishan May baaritaan wadareed la sameeyey, waxaa cudurka laga Covid-19 laga helay 13 qof isbitaalka weyn ee magaalada Seoul.

Dib u habeynta adeegyada caafimaadka bulshada

Tan kale ee muhiimka waxay tahay adeegyada caafimaadka laftooda casharrada ay ka baranayaan waya aragnimadooda” ayey tiri Judit Vall oo ka tirsan jaamacadda de Barcelona qaybta dhaqaalaha.

Shiinaha magaalada Wuhan uu cudurka ka soo bilalawday waxay 8 maalmood ku dhistay isbitaal 1,000 sariirood ka kooban, iyada oo hoggaanka u qabatay sida loo qorsheyn kara howlaha gurmadka ee isbitaallada lagu dhisayo.

“Daraasado lagu sameeyey Asia ayaa muujinaya xirfadlayaasha caafimaadka ee dhibaatooyinka cudurkan safmarka oo kale ka shaqeeya iney la kulmaa dhibaatooyin maskaxeed iyo isku buuq maskaxeed” ayey tiri.

“Haddii aan xog hore ku noqonnana waxay sheegeysaa cudurka SARS ee seddex sana ka hor dillaacay sanaddi 2000, 10% shaqaaalah caafimaadka ka shaqeynayey in lagu arkay astaamo ka mid ah iskubuuq.”

Iyada oo ay shacabka dunidan ku nool uu cudurkan aad u cabsi geliyey, mowjadda labaad ee cudurka waxay hay’adda WHo ku sheegtay “inuu bilooyin uu ku faafi karo”, haddii degdeg loo khafiifyo xayiraadaha.

“Arrinta ma aha oo keli ah waxa aan dalalka kale ka baraneyno, balse sida oo kale aan wax ka barannaa wixi horay noo soo maray,” ayey tiri Dr Laia Maynou oo ka socota waaxda caafimaadka ee LSE. “Sida wixi Spanish ka dhacay Spain oo kale 1918, waaya aragnimada loo leeyahayna lala xiriiriya cudurka safmarka ee hadda jira.”

“1918, waxaa dunida dhan ka jiray mowjad, mowjad kale iisu sii dhiibeyso, iyada oo ay ku xiran tahay sida ay waddama u kala siyaasad adkaayeen,” ayey ku dartay Dr Rohn.

Awooda jawaab celinta mowjadda labaad ee cudurka waxay u muuqataa inay ku xidhan tahay isugeynta talaabooyinka, iyo waliba awood lagu qiimeeyo loona habeeyo jawaabta.

“Qaababka ugu habboon ee casharka laga qaadanayo waxaa ka mid ah casharrada laga bartay cudurka SARS ee 2003 dillaacay,” halka ay qaarna bilooyinki ugu dambeeyey wixi dhacay ay casharra ka barteen, ayey tiri Dr Ishikawa.

Hay’adda caafimaadka adduunkana waxay ka digtay saadaasha la sameynayo xilliga uu cudurkan uu dabar go’i karo.

Waaya aragnimada laga qaadanaya Kuuriyada Koonfureed iyo Japan ayaa loo qaadan karaa tallaabbooyinka looga hortagayo faayrsakan.

“Ilaa laga helo dawo si sax ah u shaqeyso nala heli karo, dhammaanteen halis ayaan ku soo jireynaa.”

Warka farxadda leh ayaa wuxuu yahay “Dhammaanteen hal doon ayaan wada saarannahay. Dunida oo dhanna hal waddo ayey ku soo wada dhacday waxaanna rajeeynayaa Saayniska inuu dinida dhibaatada uu ka bixin doono,” ayuu yiri Dr Rohn.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LLIKE OUR FACEBOOK PAGE