Wasiirka
Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka  Soomaaliya Sadiiq Xirsi Warfaa, ayaa Magaalada
Kampala ee caasimadda waddanka Yugaandha kaga qeyb galay shir looga hadlayay
xuquuqda Shaqaalaha iyo daryeelka Bulshada.

Shirkan
oo ahaa kulankii 46-aad ayaa waxaa goobjoog ahaa madaxda 19 Waddan oo Afrikaan
ah, iyadoo diiradda lagu saaray xuquuqda Shaqaalaha iyo Tababariddooda, shaqa
abuurka iyo la dagaalanka gaajada.

Wasiirka
Shaqada iyo Arrimaha Bulshada , Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa warbaahinta u sheegay
in shirkan ay muddo ka maqnaayeen, balse  hadda kadib xubinimadii Soomaaliya ay joogto
noqon doonto.

Wasiir
Sadiiq ayaa sheegay in tababar iyo kobcin dhanka aqoonta ah loo ballan qaaday
in ay heli doonaan shaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shirka ayaa soconayay muddo Saddex Cisho ah, iyadoo laga soo saaray war murtiyeed lagu sheegay in layska kaashado dhammaan waxii shirka looga hadlay.

PUNTLAND POST

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR