Taageerayaasha kubada cagta ayaa saadaaliyay kooxda ay doonayaan in ay ku guulaysato tartanka champions League xilli ciyaareedkan kadib markii la ogaaday kooxaha isugu iman doona Semi-finalka tartanka champions League.

Kooxaha Liverpool, Barcelona, Tottenham iyo Ajax ayaa isugu soo hadhay finalka tartanka champions League xilli ciyaareedkan iyada oo koox ka mid ah 4-taas kooxood ay kor u qaadi doonto tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Kadib markii ay dhamaadeen kulamadii 8 dhamaadka tartanka champions League iskuna soo bexeen 4 kooxood ayayay UEFA Bogeeda Twitter-ka taageerayaasha kubada cagta ku waydiisay kooxda laga yaabo in ay ku guulaysato tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Taageerayaal dhan 163,655 ayaa ka qayb qaatay codaynta kuwaas oo doortay kooxda ay doonayaan in ay ku guulaysato tartanka champions League xilli ciyaareedkan kadib markii ay 4 kooxood isugu soo hadheen Semi-finalka tartanka.

Taageerayaasha kubada cagta ayaa kooxda Barcelona u saadaliyay ku guulaysiga champions League kadib markii ay 39% u doorteen in ay Barcelona ku guulaysato tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Kooxda Liverpool ayaa ku xigta oo kaalinta 2-aad gashay iyada oo heshay cod dhan 29% kuwaas oo Reds u doortay in ay sanadkan kor u qaadaan tartanka champions league xilli ciyaareedkan.

Kooxda wacdaraha dhigaysa sanadkan ee Ajax ayaa gashay kaalinta 3-aad iyada oo 23% taageerayaasha kubada cagtu u doorteen in ay iyagu ku guulaysataan tartanka champions League.

Ugu dambayn kooxda Tottenham ayaa kaliya heshay 9% codka taageerayaasha kubada cagta kuwaas oo doonaya in ay Spurs ku guulaystaan tartanka champions League xilli ciyaareedkan

Advertisement

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR