Barcelona ayaa taariikh khaas ah looga diwaan galiyay guushii ay Camp Nou kaga gaadhay kooxda Lyon waxayna dhigeen rekoodh ayna abid koox kale oo Yurub ahi ka soo gaadhin tartanka UEFA Champions league. Barcelona ayaa 5-1 ku xasuuqday kooxda Lyon waxayna qayb ka noqdeen siddeeda kooxood ee iskugu soo hadhay UCl.

Lionel Messi ayaa laba gool dhaliyay wuxuuna caawiyay laba gool oo kale iyada oo Coutinho, Pique iyo Dembele ay shabaqa wada gaadheen laakiin bandhigii guud ee ay Barca samaysay waxa uu ahaa mid walwal ku abuuraya kooxaha isku aadka loo samayn doono.

Barcelona ayaa loo diwaan galiyay rekoodh taariikhi ah waxayna noqotay kooxdii abid ugu horaysay ee 30 kulan oo xidhiidh ah oo ka tirsan UEFA Champions league aan wax guuldaro ah garoonkeeda kula kulmin waxayna 30 kulan oo xidhiidh ah ka soo heshay 27 guulood iyo 3 barbaro ah, mana jirto koox abid rekoodhkan oo kale soo gaadhay.

Dhinaca kale Barcelona ayaa siddeed dhamaadka Champions League u soo baxday xili ciyaareedkii 12 aad oo xidhiidh ah waxaana in ay wareegan u soo bixi wayday ugu danbaysay 2006-07  kii.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qiimayntii ciyaartoyda kooxaha Barcelona iyo Lyon ee kulankii Camp Nou.

XIDIGII GAROONKA: Lionel Messi ayaa si shaki la’aan ah u noqday xidigii garoonka ugu fiicnaa kadib markii uu kooxdiisa si buuxda uga caawiyay in ay soo dhaafeen Lyon wuxuuna ku lug yeeshay afar gool oo ka mid ah shanta gool ee ay Barca dhalisay.

Lionel Messi ayaa laba gool dhaliyay wuxuuna caawiyay laba gool oo kale si heer kale ugu qaado saamayntii uu ciyaartan ku yeeshay wuxuuna soo bandhigay habeen kale oo ay taariikhdu xusi doonto.

Marka laga yimaado Lionel Messi waxaa bandhig kale oo wayn sameeyay Luis Suarez kaas oo aan wali ka bixin abaartii gool la’aanta Champions League balse sabab u ahaa in Barca ay guushan gaadhay maadaama oo uu door muuqda ka ciyaaray.

Athur Melo iyo Coutinho ayaa qiimayn heer sare ah kulankan ka helay waxayna xidigaha reer Brazil sameeyeen qaab ciyaareed fiican iyada oo waliba Coutinho uu culayskii saarnaa iska kala fududeeyay.

Qiimaynta Ciyaartoyda kooxaha Barcelona iyo Lyon:

Barcelona: Ter Stegen (7) ,Roberto (6), Pique (7), Lenglet (7), Alba (6), Arthur (8), Busquets (7), Rakitic (7), Coutinho (8), Messi (9), Suarez (8)

Badalkii: O Dembele (7), Vidal (6), Semedo (N/A)

Lyon: Lopes (7), Dubois (5), Denayer (3), Marcelo (4), Marcal (4), Mendy (4), Tousart (6), Fekir (6), Ndombele (6), Depay (6), M Dembele (6)

Badalkii: Gorgelin (5), Traore (5), Cornet (5)

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR