Sheekadii xili ciyaareedkii dhamaaday ugu layaabka badnayd ee kubbada cagta England gilgishay waxay ahayd dhacdadii ay finalkii EFL Cupka isla soo mareen tababare Maurizio Sarri iyo goolhayaha Chelsea ee Kepa.

Maurizio Sarri ayaa cadaadis wayn ku hoos jiray waxayna kooxda uu hadda ka baxay ee Chelsea 120 daqiiqo iska caabisay Manchester City ee finalkii EFL Cupka laakiin dhamaadkii waqtigii dheeriga ahaa ayuu Sarri doonayay in uu ciyaarta badal uga saaro Kepa oo xanuun la fadh-fadhiisanayay.

Wixii dhacay ayaa ka dhacay waxayna Maurizio Sarri u ahayd habeen cadho iyo ciil badan isaga oo ku sigtay in uu gabi ahaanba iskaga baxo Wembley Stadium kadib markii uu taageero ka waayay shaqaalihiisa tababarka iyo waliba ciyaartoyda garoonka ku jiray.

Markii ay Chelsea si rasmi ah ugu dhawaaqday in uu Maurizio Sarri kooxdooda ka baxay waxa uu kaftanka ugu wayn ee baraha bulshadu noqday iyada oo goolhaye Kepa loo dalacsiiyay shaqada tababaranimo ee ee Chelsea sababtoo ah wixii uu Maurizio Sarri ku sameeyay.

Waxay dad badani is waydiin karaan haddii uu Sarri ku fashilmay in uu maamuli karo goolhaye Kepa Arrizabalaga oo uu xataa ciqaab adag ku marsiin waayay amar diidadii iyo waliba qaabkii xushmad darada ahayd ee uu sameeyay, siduu Sarri ku maamuli karaa ciyaartoy ka magac wayn.

Arinta xiisaha badan ayaa noqon doonta qaabka uu Maurzio Sarri ku maamuli doono Cristiano Ronaldo iyo waliba xidigaha kale ee saamaynta badan ku leh kooxda Juventus iyada oo la ogaaday in aanu lahayn awood badan oo uu wax ku xalin karo.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa falcelintii taageerayaasha kubbada cagta iyo waliba qaar ka mid ah warbaahintu ay ka sameeyeen bixitaanka Sarri ee Chelsea iyo in uu Juventus la wareegay.

Mid ka mid ah fariimaha arintan looga hadlay ayaa lagu yidhi: ” Maurizio Sarri waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqay ka tababaraha cusub ee Juventus waxayna Chelsea kuwa safka hore ugu ordaya u calaamadsatay Frank Lampard iyo Kepa Arrizabalaga si ay isaga u badalaan!!”.

taageere ay ugu qoran tahay Marco’S B. ayaa isna soo qaatay sawirada Kepa iyo Lampard wuxuuna cod galiyay midka noqon doona tababarhaa cusub ee Chelsea isaga oo soo qoray: “Kee noqon doona tababaraha cusub ee Chelsea? “.

Wuxuuna sawirka Lampard iyo Kepa uu soo raaciyay: “Kepa- Retweet-gree. Lampard-like-garee”.

Taageere Chelsea ah ayaa isna soo qoray: ” Kepa Arrizabalaga ayaa Maurizio Sarri kala wareegi doona dhamaan waajibaadkii kooxda kowaad ilaa inta badalkiisa la helayo”.

Taageere kale ayaa arinta heer kale u qaaday wuxuuna soo qoray: “Ka hor inta aanu Frank Lampard ku soo biirin Chelsea, waxaa isaga waajib ku ah in uu la tashado Kepa isla markaana uu ansixintiisa sugo. Miyuu Kepa ogolaaday?”.

sky Sports ayaa jamaahiirta kubbada cagta aduunka dib u xusuusiyay muuqaalka wixii Sarri iyo Kepa soo kala qabsaday. Waxayna dhacdadani noqotay arinta ugu hadal haynta badan ee kadib bixitaanka Sarri uu kaga dhaqaaqay Chelsea.

Fariimo iyo muuqaalo badan ayaa markiiba baraha bulshada looga falceliyay bixitaanka Sarri iyo dhacdadii soo kala martay Kepa laakiin waxay su’aasha kale ee lays waydiinayaa tahay awooda uu ku maamuli karo Cristiano Ronaldo iyo ciyaartoyda magaca wayn ee uu Maxi Allegri kaga dhaxlay Juventus.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR