Image result for Janne Andersson Zlatan

(Stockholm) 14 Nof 2017 Tababaraha xulka qaranka Sweden ayaan diyaar u ahayn in Zlatan Ibrahimovic uu dib ugu soo dhaweeyo xulka.

Sweden ayaa u soo baxday koobka adduunka ee 2018 lagu qaban doono Ruushka, Zlatan ayaana xili hore ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah.

Image result for Janne Andersson Zlatan

Janne Andersson ayaa sheegay in aan la rumaysan karin in Zlatan uu dib ugu soo laabto xulka maadama sanad iyo bar laga joogo markii uu ka fariistay.

“Waa wax aan la rumaysan karin, sanad iyo bar ka hor ayuu joojiyay u ciyaarida xulka, walina waan ka hadlaynaa arinkaas” ayuu yiri Janne Andersson.

“Sida aan filayo Zlatan waa laacibkii ugu fiicnaa ee soo mara Sweden taariikhda, waana xirfadle cajiib ah balse wuxuu doortay inuusan u sii ciyaarin xulka”.

Gool FM

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR