Tababare Pep Guardiola ayaa doonaya iney wiilashiisa difaacdaan Premier League, wuxuuna si cad ugu sheegay dhibcaha ay u baahan yahiin si ay hamigooda u gaaraan kadib guushii dirqiga aheyd oo ay ka gaareen Crystal Palace.

Selhurst Park ayey shalay kula ciyaareen kooxda Palace, laba gool oo uu dhaliyay Sterling iyo gool uu dhamaadkii ciyaarta dhaliyay Gabriel Jesus ayey ku adkaadeen, waxeyna heleen guul ay dhib badan u mareen.


Guardiola wuxuu aaminsan yahay in wali Premier League uu gacantiisa ku jiro maadaama ay laba dhibcood ka hooseeyaan Liverpool sidoo kalana ay kulan gacanta ku heystaan, wuxuuna la hadlay saxaafadda isagoo daawanaya ciyaarta Golf-ka.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay, tirada kulamada aan heysano, wali horyaalka Premier League wuxuu ku jiraa gacanteena” ayuu yiri Pep Guardiola.


“Marka hore waxaan tartanka FA Cup kula ciyaarnay Brighton, saddex maalmood kadib waxaan la ciyaarnay Spurs, hadana kulankaan ayaan ciyaarnay, inagoon bad qabin, 75 ilaa 80-daqiiqo aad ayaan u fiicneyn”

“Waxaan u baahanahay inaan guul gaarno kulan walba si aan horyaalka u difaacano, waan ognahay taas, ciyaartoydana waa iney soo bandhigaan iney taas doonayaan, shaki kuma jiro”

“Bisha ugu dambeysa ee horyaalka, waan ognahay iney sida ugu badan suuragal aheyn, balse ay aad u adag tahay hadii aan lumino dhibco”

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR