Tababaraha sida kumeel gaadhka ah u haya xilka tababarenimo ee kooxda Manchester United ee Ole Gunnr Solskjaer ayaa sii bilaabay ka fikirka suuqa kala iibsiga ciyaartoyda isaga oo haatanba maamulka kooxda tilmaam siiyay.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa lagu soo warramayaa inuu maamulka Red Devils u sheegay rabitaankiisa ku aadan khadka dhexe ee Paris Saint-Germain ee Adrien Rabiot kaas oo sidoo kale bar-tilmaameedu ah kooxda Liverpool.

Rabiot ayaan ku jirin safkii PSG ee ay Champions League ka saartay Manchester United gudaha bishan waxaana loo dhaadhiciyay kooxda da’yarta kaddib markii uu si cad u sheegay inuu bixi doono marka uu heshiiskiisu dhaco.

Adrien ayaa inta ugu badan lala xidhiidhinayay kooxda Barcelona balse xiisaha Barca ayaa u muuqda mid qaboobay kaddib markii ay la saxeexdeen da’yarka kooxda Ajax ee Frankie De Jong kaas oo kusoo biiri doona suuqa xagaaga.

Sababaha ugu waaweyn ee adkayn kara in Rabiot lala saxeexdo ayaa ah mushaharka uu dalbanayo oo ah 200 oo kun oo Yuuro toddobaadkii balse kooxaha doonaya ayaa midaas awoodi kara marba haddii ay qaab xor ah kula saxeexanayaan.

Hore ayay hooyada dhashay wiilkan Paris uga diiday inay suuqii January lacag ku iibiyaan iyada oo u sheegtay wiilkeeda inuu heshiiskiisa dhammaysto oo uu xor ku baxo si uu mushahar sarreeya uga heli karo kooxda xigta ee uu ku biiri doono.

Rabitaanka haatan ee Manchester United ayaa ah inay doonayaan in 23 jirkani uu bedel u noqdo Ander Herrera oo heshiiskiisu dhacayo dhammaadka xilli ciyaareedkan iyo Nemanja Matic oo 30 jirsaday.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR