Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal uu ku dhintay Taliyihii Qaybta Booliska G/Hiiraan Maxamed Macow Xalane.

Dagaalka ayaa wuxuu ka dhacay deegaanka Kalabeyr ee duleedka Magaalada Baledweyne halkaasi oo ay ku dagalameen Ciidamo ka tirsan dowladda Federalka Somaliya.

Taliyaha geeriyooday ayaanan la ogeyn Ciidankiisa inay qayb ka ahaayeen dagaalka & inuu meesha tagay kala dhexgalida ciidankii dagaalamay.

Masuuliyiinta maamulka Hirshabelle ayaa xaqiijiyay geerida Sarkaalkaan ka tirsan Ciidamada Booliska Hirshabelle.

Magaalada Baledweyne waxaa ka taagan xiisad ka dhalatay xil ka qaadistii lagu sameeyay Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar oo wali diidan in xil kaasi laga qaaday.

Xiisada ka taagan Magaalada Baledweyne ayaa laga cabsi qabaa inay sii cuslaato oo ay saameyso magaalada gudaheeda.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR